South Africa oo hoos u dhigeeysa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israel

0

(Pretoria) 09 Maarso 2019 – Dowladda South Africa ayaa qorshaynaysa inay hoos u dhigto xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israel, sida uu sheegay Madaxwayne Cyril Ramaphosa oo la hadlayay Baarlamanka.

Sanadkii tegey, xisbiga xilka haya ee African National Congress (ANC) ayaa meel mariyay qaraar ku baaqayay in hoos loo dhigo shaqada diblomaasiyadeed ee Safaaradda South Africa ee Tel Aviv, kaddib markii ay Yuhuuddaasi dhowr mar ku tumatay xuquuqda dadka reer Falastiin.

Madaxwayne Ramaphosa ayaa xilli si toos loosoo duwayay su’aalo iyo jawaabo lagu waydiinayay Baarlamanka uga dhacayto in iminka la dhaqan gelin doono qaraarkaasi.

Wuxuu sheegay in Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga, Lindiwe Sisulu, uu haatan gacanta ku hayo dabaqitaanka qaraarkaasi, oo ay hoos u dhigayaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo ergada ka joogta Israel.

Hadalsame Media