Midowga Yurub oo qaadaya tillaabo saamayn ku yeelan doonta Soomaalida Maraykanka

0

(Brussels) 09 Maarso 2019 – Dadka Maraykanka ayaa u baahnaan doona inay is diiwaan geliyaan kaddibna ay kharashaad khidmo ah bixiyaan marka ay Yurub u safrayaan, wixii gaara bilowga 2021.

Muwaadiniinta Maraykanka ee ka soo tallaabaya Badwaynta Atlaantigga ayaa laga doonayaa inay lahaadaan baasaboor iyo kaarka lacagta (credit or debit card) si ay u codsadaan wax lagu sheegay Hannaanka Xogta Safar iyo Ogolaanshaha ee European Travel Information and Authorization System (ETIAS).

Haddii qofka la siiyo ogolaanshaha wuxuu u shaqayn doonaa muddo 3 sanadood ah isagoo mudadaa gudeheeda dhowr mar kusoo geli kara dalalka Midowga Yurub.

Markii hore dadka Maraykanka ah loogama baahnayn wax dal ku gal ah (Visa) marka ay imanayaan qaaradda Yurub, gaar ahaan dalalka EU.

EU waxay ETIAS uga dabaaqaysaa Hannaanka Ogolaanshaha Elektaroonigga ah ee Electronic System for Travel Authorization (ESTA) ee uu Maraykanku dalal ka tirsan Midowga Yurub kusoo rogey, kuwaasoo kala ah (Qubrus (Cyprus), Poland, Croatia, Bulgaria iyo Romania.

Midowga Yurub ayaa horay Maraykanka uga codsaday inay isku si ula dhaqmaan dalalka EU, balse wuu ka caga jiidey, iyadoo arrintani ay saamayn ku yeelan doonto dadka Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka oo awal si fudud ku iman jirey qaaradda Yurub, iyadoo ay weliba sahlanaan doonto in fiisaha loo diido dadka laga tirada badan yahay.

Hadalsame Media