‘Obama kama duwanayn Trump!” – Ilhaan Cumar oo maalin uun kaddib dhamaadka dooddii hore mid kale lagu furay! + Sawirro

0

(Washington, DC) 09 Maars0 2019 – Maalin uun kaddib markii ay soo dhamaatay dood ka dhalatay warar kasoo baxay Ilhaan Cumar oo loogu gediyey inay yihiin ”Yuhuud-nacayb”, Ilhaan Cumar ayaa dood kale abuurtay.

(Ilhaan Cumar, 37 jir, ayaa majaladda Politico Magazine u sheegtay in waloow ay mubaadarooyinka Donald Trump u aragto kuwo mudan in la diido, Obama laftiisa loo daayey ‘siyaasado badan oo khaldan’, ‘wejigiisa qurxoon’ dartii.

Kaddib markii ay hay’addaa warbaahineed ay warkii faafisay ayay Ilhaan oo is difaacaysaa sheegtay in warkeeda la qalloociyey oo la marin habaajiyey. ‘Waxaan ahay taageere Obama!’ ayay tiri.

‘Waxaan sheegayay sida uu Trump uga duwan yahay Obama, iyo sababta ay u fiican tahay in diiradda la saaro qorshaha siyaasadeed ee aan siyaasadda uun la abaarin. Waana sababta aan waraysiyadeeyda u duubos,’ ayay raacisay, iyadoo soo dhigtay muuqaal 2 daqiiqo soconaya.

Waloow warka ay Ilhaan sheegtay uu run yahay iskii ahaan, misna arrintan ayaa ka hor keeni karta taageerayaasha isla xisbigeeda Dimoqraadiga oo warkan u arka mid aan siyaasadda la jaanqaadi karin.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa horay ugu qaybsamay weerarradii ay Ilhaan kala kulmaysay ee ku eedaynayay ”Yuhuud-nacaybka”, tanise waxay xitaa ku ifinaysaa tooshka taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga ah oo ay xitaa ku jiraan dadka Afrikaan Maraykanka ah.

Hadalsame Media