DEG DEG: Theresa May oo sheegtay in Britain ay ka noqon karto go’aanka ka bixitaanka Midowga Yurub!

0

(London) 09 Maarso 2019 – Wasiirka Koowaad ee Britain ee Theresa May ayaa ka digtey in haddii la diido heshiiskeeda Brexit todobaadka soo socda “aan cidina ogayn waxa dhici doona” taasoo ay ku jiri karto in UK aysan weligeed Yurub ka bixin.

RW ayaa kuwa diyaarinaya inay heshiiskeeda diidaan ee Aqalka Hoose ee House of Commons usii sheegtay inay “ka gudbaan qaybsanaanta” oo heshiiska taageeraan si bay tiri uu dalku horay ugu dhaqaaqo.

Yeelkeede, waxay sidoo kale farriin u dirtay Midowga Yurub, iyadoo Brussels u sheegtay in loo baahan yahay in la iskugu yimaado meel dhexe oo xeer jajab laga gaari karo si is mari waaga loo xalliyo. “Aanu wada shaqayno” ayay tiri.

Hadalsame Media