Ilhaan Cumar oo markale taariikh aan horay u dhicin sabab u noqotay!

0

(Washington, DC) 08 Maarso 2019 – Aqalka Wakiillada Koongarayska ayaa maanta ansixiyay qaraar si ballaaran u cambaareeynaya nacaybka iyo dulqaad la’aanta, kuwaasoo ay ku jiraan Yuhuud-nacaybka iyo takoorka Muslimiinta.

Arrintan ayaa waxaa sabab u ah gabadha Ilhaan Cumar, oo la fahamsan yahay inuu qaraarkani markii hore iyada ka dhan ahaa, balse markii dambe ayaa dib loo dhigay oo weliba la quseeyay, iyadoo lagu soo daray kelmado sidoo kale dhaleecaynaya takoorka iyo nacaybka ka dhanka Muslimiinta.

Codayntan oo ay Ilhaan lafteedu ”haa” ugu ucodaysay ayaa ku dhamaaday 407-23, wuxuuna weji gabax ku yahay afhayeenka Aqalkan Nancy Belosi oo markii hore doonaysay in qaraarka lagu simo ka hadalka Yuhuud-nacaybka oo qura, balse ay xildhibaanno badani ku cadaadiyeen in la ballaariyo.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda rasmiga ah ee Facebook ugu dabbaal degtey qaraarkan dhaleecaynaya Islaam-nacaybka oo ah ay ku sheegtay midkii taariikhda ugu horreeyay ee noociisa ah ee kasoo baxa Koongarayska oo inta badan diiradda saari jirey dhanka Israel.

Hadalsame Media