faahfaahin ku saabsan dad loo xiray qarax culus oo ka dhex dhacay Gurri ku yaala Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Maarso 2019 – Ciidamada amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa xiray milkiilaha guri ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay la wareegeen Gurri ku yaala aaga warshadii Taraqa iyo Sigaarka ee Jidka warashadaha gaar ahaan qaybta degmada Dayniile.

Illo wareedyadaan la hadlay Hadalsame ayaa sheegaya in sidoo kale ciidamadu ay qabteen nin kale oo la sheegay inuu farsameynayey walxaha qarxa.

Ninkaan ayaa la sheegayaa inuu ku noolaa oo deganaa qol ka mid ah gurriga uu qaraxu ka dhex dhacay, waxaana jugta qaraxa si weyn looga maqlay Magaalada Muqdisho abaare xalay 11: 00pm.

Hay’addaha amaanka ayaa soo bandhigin macluudmaad dheeri ah sida magacyada dadka ay u xireen dhacdadaan oo ahayd mid ku cusub caasimadda oo maalmihii ugu dambeeyay martigalisay weeraro joogto ah.

Hase ahaatee saraakiil ka tirsan Booliska oo la hadlay Hadalsame ayaa sheegay in marka baaritaanku dhamaado ay bixin doonaan macluumaadka loo baahan yahay, kahorna aysan ka hor dhacayn.

Gurriga Qaraxu ka dhex dhacay ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan waxaana sidoo kale la sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah hase ahaatee jugta qaraxa ayaa hurdada ka toosisay saqiir iyo kabiir dadkii dariska lahaa goobta wax ka dhaceen.

Hadalsame Media

Facebook Comments