Kooxda Juventus oo ay kusoo baxday arrin CEEB ah!

0

(Torino) 08 Maarso 2019 – Allegri “waa inay ciyaartooyda la feesteeyeen 60 gabdhood, mashxarad yar bey ahayd” Maahi waardiye waxaan ahay tababare. (Waxay ahayd casho farxadeed) ayuu ahaa warka Allegri.

Tababaraha Juventus shirkiisa jaraa’id ee ku saabsanaa kulanka Udinese, waxa uu ka qiray inay kooxda la xafladeeyeen 60 gabdhood.

Gabdhahani waxay ka kala yimaadeen dhamaan gobolada Talyaaniga, ciyaartooyda kooxdu badankoodu way joogeen, jeer ay weli dhegohooda kasii yeerayso guul darradii ay kala kulmeen Atletico Madrid.

Warkan fadeexada ku noqday kooxda waxaa bannaanka soo dhigtay warqaadka Magazine Online ee uu leeyahay Fabrizio Corona kaasoo xusay inay Torino xafladan gaarka ihi ka dhacday magaalada Torino.

Gabdhaha iyo ciyaartooydaba waxay joogeen Hoteelka lagu magacaabo Majestic ee magaalada Torino, ciyaartooyduna waa dhamaayeen marka laga reebo Barzagli iyo Bernandeschi.

Cristiano Ronaldo ayaa goobta joogey. Gabdhahan xaflada soo xaadiray dhamaantood waxay sameeyeen moodelka dharka xayaysiiya, qaarkood ayaa sawiro iyo inay tageen Torino kula wadaageey saaxibada ay ku leeyihiin barahooda Instagramka.

Gabdhaha waxaa ka mid ah Aida Zahabi oo caan ku ah xarragada (fassion), iyadoo arrintan aad loo cambaareeyay, gaar ahaan xilli ay ahayd inay kooxdu ka baaraan degto guuldarradii ugu cuslayd ee fasalkan soo gaarto, xilli ay kooxdu si cad u sheegaysay inay sanadkan ku tala jirto qaadist CL.

Yeelkeede, ninka soo bandhigay dhaqanxumida kooxda Juventus waa midkii hada ka hor sawir beenaadka ka sameeyey David Trezguet.

Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Cali Maxamed

Hadalsame Media