ISKA JIR! Naash-naash ay aad u adeegsadaan haweenka Soomaalida oo CUDUR halis ah laga sheegay + Sawirro

0

(Hoffman Estates, IL) 06 Maarso 2019 – Hay’adda Taya Dhowrka Badeecooyinka ee dalka Maraykanka ayaa dadka uga digtey qaar ka mid ah walxaha la isku qurxiyo ee ay farsamayso sharikadda Claire.

Arrintan ayaa timi kaddib markii ay soo baxday in qaar ka mid ah walxaha la isku naashnaasho ee ay Claire sameeyso ay ku jirto maadada asbestos ee kansarka sababta.

Claire ayaa markii hore dhankeeda ku dooday inaysan sax ahayn daraasadda hay’adda FDA (Food and Drug Administration), iyadoo xoogaa ka caga jiiddey inay dib ugu yeerto badeecooyinka sumaysan ee ay suuqa gaysey.

Qaybaha sumaysan ee Claire waxaa ka mid ah: Eye Shadows, Batch/Lot No.: 08/17; Claire’s Compact Powder, Batch/Lot No.: 07/15; iyo Claire’s Contour Palette, Batch/Lot No: 04/17.

Claire oo arrintan haatan war kasoo saartay ayaa sheegtay in ay suuqa ka saartay 3 ka mid ah badeecooyinka doodda laga keenay iyadoo sida ay tiri ’taxaddar aad u badan muujinaysa’, iyadoo ballan qaadday inay suuqa ka saari doonto walxaha laga sameeyay macdanta sida dhiiqada oo kale ah ee Talc.

‘Dadka ay guryaha u yaallaan noocyada Claire’s Eye Shadow, Compact Powder, iyo Contour waa inay si deg deg ah u daadiyaan oo adeegsigooda joojiyaan,’ ayay tiri FDA.

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in miiqyada ku jira maadada asbestos ay KANSAR keeni karaan haddii uu qofku budadooda jiido oo ay sambabada gaaraan.

Hadalsame Media