CNN: Daacish oo tarab-tarab isu soo dhiibtey xilli ay ka wada baxayaan Suuriya + Sawirro

0

(Baghouz) 06 Maarso 2019 – Qiyaastii ilaa 500 oo qof oo u dagaallamayay kooxda ISIS ayaa la sheegay inay isu dhiibeen jabhadda uu Maraykanku kaaliyo ee Syrian Democratic Forces (SDF) shalaytoole, jeer ay socdaan dadaalladii ugu dambeeyay ee kooxda loogala wareegayo Baghouz, oo ah meel yar oo ay weli uga dambeeyaan Bariga Suuriya.

Xubnahan ka tirsan kooxda Daacish ayaa la sheegay inay ka tanaasuleen afkaarohoodii iyagoo ka baxsanaya dagaallo laga filayo degaankaasi oo u dhow xadka Ciraaq, halkaasoo ay todobaadyadii dambe ay duqaynayeen isbahaysi uu Maraykanku hoggaaminayo.

Weriyayaal ka tirsan CNN ayaa ka mid ahaa dadka joogey goobta ay kooxdani isku dhiibaysay oo ay sawirro iyo muuqaallo kasoo qaadeen, kuwaasoo iskugu jira malliishiyo iyo dad rayid ah sida xaasas iyo carruur.

Waxaa kale oo dadka goobta imanaya ka mid ah dadkii caadiga ahaa ee degaanka oo aan ISIS shuqul ku lahayn.

Afhayeenka jabhadda SDF, Mustafa Bali, ayaa Twitter ku sheegay in 3,500 oo qof shalay oo qura laga daad gureeyay degaanka Baghouz Talaadadii shalay ahayd oo qura.

Hadalsame Media

Facebook Comments