XEEL YAAB LEH: AC Milan oo Lazio amaahinaysa lacag ay garoon ku dhisato si ay uga hesho Milinkovic-Savic (Kulan dhacay)

0

(Milano) 06 Maarso 2019 – Isla xiriirinta AC Milan iyo laacibka Sergey Milinkovic-Savic ayaa lagu waday inay markale soo cusboonaato xagaaga xiga, balse wararka Roma ka imanaya waxay sheegayaan inay durba tillaabooyin qaadday kooxda Milan.

Sida ku dhigan cittaceleste.it, milkiilayaasha Milan ee Elliott ayaa kulan la qaatay milkiilaha kooxda Buluug Cireedka ee Claudio Lotito, kaasoo ay Talaadadii ka wada hadleen laacibkan dhashay 1995-kii.

Milan oo laacibkan xagaagii hore looga diidey 120m ayaa iminka Lazio u bandhigtay 40 milyan oo kaash ah iyo qannaas yaraha Patrick Cutrone (oo lagu qiimeeyo 30 milyan oo euro).

Warar kale ayaa sheegaya in tillaabadu intaaba ka dheer tahay oo Sanduuqa Maraykanka ah ee Milan iska leh uu Lazio amaahinayo lacag dhan 300-400 milyan oo euro, oo ay kooxda caasimaddu ugu baahan tahay inay ku dhisato garoon cusub, taasoo ka caawinaysa inay dhanka door biditaanka ay safka hore ka gasho kooxaha doonaya laacibka .

Madaxwaynaha Lazio, ayaa se la sheegayaa inuu doonayo in 70m oo kaash ah gacanta laga saaro, haddii kale uu kiiska Milinkovic-Savic la sugo suuq xagaaga soo aaddan, si kastaba se mid sii joogi doona uma eka sanadkan kaddib.

Hadalsame Media