Caddeymo muujinaya go’aanka dowladda Soomaaliya ee sheegashada kenya Badda Soomaaliya

0

(MUQDISHO) 06 Maarso 2019 Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa looga jawaabay bayaanka 21-kii bishii hore kasoo baxay wasaaraddda arrimaha dibedda Kenya.

Warkaan qoraalka ah oo ku taariikheysan 25-ka Febraayo 2019 ayaa lagu beeniyay sheegasho ka timid wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya, Monica Juma oo ku saabsan sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya ayaa hadal ay waqtigaas siisay warbaahinta ku sheegtay in Soomaaliya ku iibgeysay shirkii magaalada caasimada ah ee London xirmooyin Shidaal oo ay ku jira goobta ay isku hayaan labada dal ee dariska ah.

“Dowlada Soomaaliya waxay dabagashay hadalka Juma, wuxuuna u muuqdaa mid ku saleysan kala aragti duwanaanshiyaha xaqiiqooyinka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibedda ee Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ku waanisay Kenya in laga wada fogaado wax kasta oo sii xumeynaya muranka ayaa soo bandhigtay labo qaab oo loo mari karo xal loo helo khilaafka wali taagan.

“Hadii uu sii socdo walwalka Kenya, dowlada Soomaaliya waxay caddeynaysaa in kala aragti duwanaanshiyaha la xalin karo iyada oo la marayo qaab diblumaasiyadeed iyo maxkamad,” ayaa lagu xusay qoraalka.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya damac ku jira Kenya ee ah in si hoose loo dhameeyo kiiskaan iyada oo ay garwadeen ka noqonayaan Ururada IGAD iyo Midowga Afrika oo ay xubin ka yihiin labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay in ku taagan tahay mawqafkeeda la xiriira kiiska badda islamarkaana lagu xalin doono maxkamada horteeda, waxaana Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya ay sheegtay inay wali diyaar u tahay wadashaqeyn dhow oo ay la yeelato dhigeeda Kenya, wallow xiriirka labada uu gaarey meeshii ugu hooseysay.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

undefined

Hadalsame Media