Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Nairobi ku sugan iyo shirarka halkaasi ka dhacaya oo Isha lagu wada hayo + Sawirro

0

(Nairobi ) 06 Maarso 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xalay fiidkii gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta shir sadex geesood ah la yeeshaan Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya.

Madaxweyne Somaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Itoobiya ayaa markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha Kenya ee Jomo Kenyatta waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya iyo xubno kale.

Kulamadana yaa diirada lagu saari doonaa xalinta khilaafka so kala dhexgalay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxaana sidoo kale xooga lagu saari doonaa sidii gobolka looga dhigi lahaa goob ka caafimaad qabta khilaafaad dhiig ku daato.

RW Itoobiya Cabbeey Axmed ayaa isagu ciyaaraya door dhexdhexaadin waxaana lagu xasuustaa sida uu kaga guuleysatay dagaalkii dheeraa ee dalkiisu kula jiray Ereteria islamarkaana uu xal uga gaaray muran labadaasi dal.

Hadalsame Media