RW Itoobiya oo QISH ka bixiyay waxa uu kala hadli doono MW Farmaajo + Sawirro

0

(Addis Abeba) 05 Maarso 2019 – Waxaa magaalada Addis Abeba ee caasimadda Itoobiya goor dhowayd gaarey Madaxwaynaha Somalia, Md Cabdullaahi Farmaajo oo halkaa ku tegey booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadanaysa.

Waxaa garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Bole International Airport ee magaalada Addis uga hor tegey RW Itoobiya Abiy Ahmed oo soo dhoweeyay MW Somalia.

Dr Abiy Ahmed ayay faahfaahiyay waxa ay ka wada hadli doonaan isaga iyo Farmaajo wuxuuna war uu Twitter-ka kusoo qoray ku sheegay inay sii amba qaadi doonaan wada hadallo horay ugu socdey, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay ka wada arrinsan doonaan arrimo asaasi u ah gobolka Geeska Afrika iyo dano u gaar ah labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib markii uu kulamo noocaas ah horay ula yeeshay madaxda kale ee gobolka Geeska, sida uu sheegay.

Si kastaba, Dr Abiy ayaa udub dhexaad ah u ah isbedellada ka socda Geeska, balse maadaama aanay shacabku tafaasiil badan ka haynin, isla markaana uu xilli kasta Itoobiya ka dhici karo isbedel dhanka taliska ah lama hubo halka ay gaari karto iyo waxa uu dhab ahaan Dr Abiy doonayo lafteeda.


Hadalsame Media