DAAWO: Tareen sibiq uga baxsaday DAMBAABURO holcaya oo uu dhexmaray + Sawirro

0

(Trans-Siberia) 05 Maarso 2019 – Muuqaallo cajiib ah oo daraama miiran ah oo lasoo dhigay muuqaal walaha bulshada ee Youtube ayaa muujinaya tareen sibiq kaga baxsanaya dambaaburo dab ah.

Tareenkan ayaa isku xirayay degaanno ku yaalla Bariga Fog ee dalka ballaaran ee Ruushka markii uu mar qura kusoo baxay qaac iyo holac ka dhashay dhir gubanaysa.

Muuqaalkan oo uu duubay qof ka mid ah rakaabkii tareenka ayaa la arkayaa xadiidka tareenka oo ku qarsoomaya qaac iyo holac.

Dhul gubadkan ayaa kusoo noqda dalal badan oo caalamka ah ayaa halis geliyay isu socodka khadka xadiidka gaar ahaan jidka caanka ah ee Trans-Siberia oo Moscow ku xira magaalada Vladivostok.

Hadalsame Media