Nin Kufsi iyo dil ka gaystay goboka Gedo oo lagu fuliyay xukun Qisaas ah

0

(Garbahaarey) 05 Maarso 2019 – Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in nin lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Xaamud  maanta lagu fuliyay xukun qisaas ah kadib in mudo ah oo uu ku xirnaa saldhigga dhexe ee degmada Garbahaareey

Ninkaan Qisaasta lagu fuliyay ayaa waxaa loo haystay inuu kufsi ka gaystay qaybo ka mid ah gobolka Gedo islamarkaana gabar yar uu kufsaday deetana uu dilay.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay in gabar yar oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Macallin Saalax oo ay da’deedu ahayd 18 sano jir uu kusaday kadibna uu ceeji ku dilay.

Falkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Yucubleey oo ku dhow Garbahaareey.

Maxkamad ku taalla Garbahaarey ayaa 32 sanno jirkaan, afartii bishaan Maarso ku xukuntay dil waxaana xukunkaas lagu fuliyay maanta.

Hadalsame Media

Facebook Comments