DHACDO DHIILLO: Gabar Soomaali ah oo maydkeeda la helay & ninkeeda oo lagu tuhmayo!

0

(San Diego, CA) 05 Maarso 2019 – Maydka haweenay Soomaali ah ayaa maydkeeda laga helay flat ku yaalla City Heights, halkaasoo 4000 oo baloog u jirta Van Dyke Avenue iyadoo shilka laga war helay 9 a.m., sida uu sheegayo booliiska magaalada San Diego, California.

Gabar la dhalatay haweenayda dhimatay oo 36-jir ahayd ayaa iyada oo uu wehliyo nin maareeye ka ahaa dhismahaasi noqotay qofkii ugu horreeyay ee aragta walaasheed oo sariirta taalla iyadoo mayd ah oo aan dhaqaaqaynin.

Ninkii qabey gabadha dhimatay oo aan ilaa iminka wacaalkiisa la haynin ayay booliisku ku tuhmayaan dilka xaaskiisa, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu samaynayo maydka, sida uu sheegay sarkaal la yiraahdo Dino Delimitros.

Haweenayda dhimatay, oo goor ay qoyskeeda la hadasho ay ugu dambaysey Sabtigii, ayaa la sheegay in laga diley qaarka sare oo ay dhaawacyo kaga yaallaan, sida uu sheegay gaashaanle Anthony Dupree.

Qaar badan oo ka mid ah qaraabada gabadha dhimatay ayaa taagnaa bannaanka gurigeeda iyagoo ka muraara dillaacsan falka dhacay, waxayna iyagoo la hadlaya News 8 ay dhibbanaha ku sheegeen Muna Kuri.

Said Abiyow oo sheegay inuu metelo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool City Heights ayaa sheegay in Kuri aad looga yaqaanney xaafadda, iyadoo magaalada San Diego oo ay dhowr sano degganayd ku lahayd ganacsi u gaar ah, sida meel carruurta lagu hayo oo ku kala yaalla jidka 68aad iyo Mohawk St, dhanka xaafadda College East.

Hadalsame Media