DASTUUR DADWAYNE: Ka bogo 17 qodob oo ka mid ah QAANUUNKA AAN QORNAYN ee ay bulshadu ku dhaqanto + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2019 – Waxaa jira qodobbo fara badan oo loo yaqaanno qaanuunka aan qornayn balse ay misna bulshada ku dhaqanto ama ay kaa rajaynayso inaad fahamsan tahay. Haddaba ka bogo:

1 – Marka qof aadan aqoon ku salaamay oo kugu dhaho “sidee tahay?” Waa dhaqan soo jireen ah oo la iska qaayibay ee ama ahan in qofkaas xaqiiqdii dan ka leeyahay sida aad tahay iyo dhibaatooyinka ku haysta.

2 – Ha oran “Ew” (ku yaqyaqsood) cunto uu qof cunayo.

3 – Adiga oo qof taleefanka haddii qof kuu yimaado u sheeg inaad qof taleefanka kula hadlaysid oo uu khadka ku jiro si uusan ugu wareerin hadalkaaga, waayo waxaa dhici karta in hadal aad qofka kuu yimid u waddid uu u qaato in aad asaga ku dhahaysid oo sidaas u jaahwareero.

4 – Haddii waraaqaha casuumaaddu tilmaamayso in xafladdu bilaabanayso 7pm ha imaan 8pm.

5 – Haddii aad xafladda keentid cunto iyo cabitaan haraadiga guriga ha u qaadan ha na daadin ee dadka baahan ee magaalada jooga sii.

6 – Haddii aad booqanaysid qof ama guri qof qaraabada ama saaxiib ah oo ay ku waydiiyaan cuntada nooca aad jeceshahay in ay kuu sameeyaan, u sheeg nooca cuntada aad jeceshahay taas ayaa u dhib yar u na hawl yare.

7 – Marka aad guriga saaxiibkaa marti ku tahay ka dalab in aad ka caawisid nadiifinta jikada iyo weelashaba. Badankood waa in diidi doonaan, hal iyo labo jeer ku celi kadib na iska dhaaf.

8 – Marka qof kuu hambalyeeyo ama kugu ammaano shaqo aad qabatay u mahadceli. Ha isla waynaan ha na isqaadqaadin.

9 – Haddii qof musiibo ku dhacdo intii aad si guud u oran lahayd maxaan kuu qabtaa u farmuuq hawl khaas oo ah oo aad ka caawin kartid sida in aad ilmaha jimcada ama maalin kale ka hayn kartid ama aad carruurta suuqa u waddid oo kale ama in aad casho u soo samaysid.

10 – Marka qof haddiyad kuu keeno ama uu asagu uu keeno inta furtid ha oran “waa haddiyad qaali ah” kaliya mahadnaq muuji.

11 – Waligaa qofna ha ku oran waa aad daallan tahay. Ma jiro qof raba in uu tan maqlo maadaama dad badan daallanaanta u fasirtaan “duqnimo”.

12 – Waligaa qof ha ku oran qof hebel baad u egtahay illaa qofka aad ku mataalayso yahay qof aad u qurux badan maahane. Dadka qaar ayay aad u xanuujisaa in lagu mataalo qof kale oo aanu cajabin jirdhismeedkiisu.

13 – Waligaa ha ka faalloon qof kale culayskiisa “Weight), kaliya ku dheh “Heer sare ayaad tahay.” Haddii ay rabaan in ay culuska dhimaan ayaga ayaa ka hadli doona.

14 – Xafladaha dhalashada ha ku furin haddiyadaha dadka hortooda. Meel gaar ah ku fur dafka hortooda oo aad ku furtid wajigabax ayay dhalin kartaa maadaama dadku aysan haddiyado isku mid ah keenin oo qaarkood kuwa qaali ah keeni karaan qaarna kuwa rakhiis ah.

15 – Ha ku faanin waxyaabaha qaaliga ah ee soo iibsatay ha na isku tustusin dadka hortooda. Waayo dadka qaarkood ma awoodaan in ay soo iibsadaan. Marka aad warbaahinta bulshada isticmaalaysid ka foojignow “Um…” waayo isla wayni iyo quursi.

16 – Marka aad qof la hadlaysid haddii aad ku aragtid calaamadahaan waxa ay doonayaan in aad sheekada soo xirtid: indhohoodu waa kaa sii jeedaan, waa kaa sii durkayaan, marka aad su’aal waydiisidna hal eray oo jawaab ah ayay ku siinayaan.

17 – Marka diyaarad ka soo dagtid oo aad boorsadaadi qaadanaysid ha dul istaagin suunka wareega ee boorsooyinka sida. Gadaal uga durug ama kursi ku fariiso ishana ku hay suunka. Marka aad boorsadaadi u jeeddid soo istaag oo qaado.

La soco qaybo kale…

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media