Masar oo sheegtay inay Somalia ka caawinayso dhinac ay baahi badani ka hayso!

0

(Qaahira) 05 Feb 2019 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar ayaa sheegay inuu dalkiisu diyaar u yahay inuu dhanka amaanka ka kaalmeeyo Somalia, si ay uga faa’iidaystaan waaya aragnimada ay arrintaa u leeyihiin Masar, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay in ay tani qayb ka tahay qorshe lagu xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya laba dal oo wajahaya haliso isku mid ah.

Tillaabadan ayaa xigta kulan beri dhowayd dhexmaray Wasiir Gudeedka Masar, Mahmoud Tawfiq, iyo Wasiirka Amaanka Gudaha Somalia, Mohamed Abukar Islow Duale iyo wefdi la socdey oo Qaahira gaarey.

Wasiirka Amaanka ayaa sida la sheegay Masar ugu geed fariistay inay gacan waaya aragnimo oo dhanka amaanka ka gaystaan dib u dhiska ciidamada Booliiska ah ee Somalia oo haatan soconaysa.

Wasiirka Masriga ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Somalia la yeeshaan iskaashi qoto dheer oo dhanka amaanka ah, si buu yiri looga hortago tillaabooyinka gudaha ee lagu wiiqayo amaanka iyo xasilloonida Somalia.

Wasiirka ayaa sidoo kale ballan qaaday inay Somalia u dirayaan khubaro, xogtana ay is dhaafsanayaan si loo wiiqo dembiyada abaabulan iyo argagixisada, isagoo sheegay inay taageero farsamo siinayaan Somalia.

Hadalsame Media