DEG DEG: Madaxwaynaha Somalia & RW Itoobiya oo goor dhow u duulaya Nairobi + Video (Wada hadal dhacaya & qool bir ah oo qoorta ugu jira DF)

0

(Addis Abeba) 05 Maarso 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa sida la yiri goor dhaw u duulaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay haatan shaaca ka qaaday Villa Somalia.

Labada hoggaamiye ayaa wada xaajoodyo la yeelan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, sida uu yiri agaasimaha warfaafinta ugu qaybsan Madaxtooyada Somalia.

Go’aankan ayaa imanaya jeer uu madaxweyne Farmaajo uu maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay RW Abiy Ahmed, oo ay u egtahay inuu labada dhinac dhex-dhexaadinayo.

Hadalsame ayaa fahamsan in Uhuru Kenyatta oo toddobaadkii tegay isna tegay magaalada Addis-Ababa, uu Abiy Ahmed u bandhigay dalab ah inuu Soomaaliya ka raarrido inay wada xaajood la gasho Kenya, si loo xaliyo wax ay iyadu ku sheegto ”muran kala dhexeeya Somalia oo dhanka badda ah.

Kenya ayaa cayrsanaysa qorshe xeer jajab ah oo ay Somalia kala gaarto kiiska dacwada badda iyadoo aan qarinin sida ay u doonayso inay Soomaaliya la laabato kiiska ay hor dhigtay maxkamadda ICJ ee Hague, taasoo aysan ogolayn shacabka Soomaaliyeed, isla markaana qool bir ah ku ah DF Somalia ee iminka xilka ku dangiigta.

Wixii faahfaahin ah nagala soco….

Hadalsame Media