RW Itoobiya oo faafiyay 4 qodob oo durba muran dhaliyey oo uu sheegay inuu kula heshiiyey MW Somalia (Arag qodobbada)

0

(Addis Abeba) 05 Maarso 2019 – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sii qaddimey war ku saabsan wada hadallo magaalada Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Somalia Max’ed C/hi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana durba muuqanaya qodobbada qaar oo aan kala caddayn.

Qoraal lagu qoray barta Twitter-ka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen afar qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah:

1) Xoojinta nabadda gobolka ee heshiisyada horay loogu galay.

2)  Xoojinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya iyo farsamooyinka lagu hubinayo.

3) Sii wadista horumarinta dekedda wadaagga ah (Lama magacaabin Dekedaha ay yihiin iyo halka ay ku yaallaan)

4) Xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland ee taageerada nabadda gobolka.

Waloow aan faahfaahin intaa dhaafsiisan laga bixin heshiiska waxaa 4-ta qodobba ka taagan doodo fara badan.

Tusaale ahaan, waxaa ku jira mid faragelinaya arrin u gaar Somalia sida xiriirrada Somalia iyo maamulka Somaliland iyo mid kale oo khuseeya wax Somalia dal kale kala dhexeeya.

Sidoo kale waxaa mugdi ku jiraa midka sheegaya dekedaha la wadaagayo iyo heshiisyada la sheegayo in horay loo galay, maadaama aanu jirin heshiis hor tegey Baarlamanka dhexe ee DF oo si cad u diidey wax heshiis ah oo ku saabsan dekedaha dalka.

Hadalsame Media