”Aqligii Tigreegu eeday ha ula imanin Soomaalida!” – Faarax Macallin oo Abiy Ahmed uga digey in qaab qabiil loo qaybiyo Soomaalida

0

(Addis Abeba) 05 Maarso 2019 – Waxaa beryahan magaalada Addis Abeba ee dalka Itoobiya ka soconayey shir la sheegay inuu u dhexeeyo qaar ka tirsan qabiillada Soomaaliyeed, kaasoo ay dad badan oo waxgarad ihi u arkeen mid uun lagu wiiqayo midnimada Soomaalida, balse aan waxtar kale usoo kordhin doonin.

”Waagii Meles 85% ka mid jeneraallada amaanku waxay ahaayeen Tigree oo 3% ka ah dalka Itoobiya, balse waxay argagixinayeen dhamaan Ethiopia, Eritrea & Somalia. Iyagoo taageeranaya Galbeedka waxay si cad u ahaayeen Yuhuudda Geeska Afrika. Hadda saamayntaasi waa dhamaatay. Dr Cabbeeyoow iska jir fanfaniinkaas oo kale.” ayuu ku bilaabay.


Shirkan oo ay dad badan oo odayaal dhanka dhaqanka ah iyo siyaasiyiinba ka hadleen, ayaa waxaa codkiisa kusoo biiriyay siyaasiga Faarax Macallin oo Twitter-ka kusoo qoray talo ku socota RW Itoobiya ee Dr Abiy Ahmed.

”In Soomaalida loo qaybiyo qabiillo hoose waxay natiijo caksi ah u yeelan doontaa Dr Abiy Ahmed. TPLF waxay u fashilantay markii ay Jeneraallada Tigreega ihi sameeyeen saamayn neef ku dhejin ah.” ayuu iftiimiyey Faarax Macallin.

”Dr Abiy ha isku deyin inaad Tigreegii ku bedesho Oromo marka aad la macaamilayso Soomaalida, Canfarta, Gambeellaha, Bani Shanguulka, Amxaarada iyo qoowmiyaadka Koonfurta.” ayuu raaciyay.


Hadalsame Media