”Haddii uu baaba’ani sii socdo Kenyan-ka ayaa dhulka Somalia dhaxli doona” – Arag falcelinta shacabka Kenya ee qaraxyadii xalay

0

(Nairobi) 01 Maarso 2019 – Kaddib weerarkii xalay lagu qaaday shacab iskaga fiidsanayay hareeraha jidadka ee mood iyo noolba galaaftay, waxaa khabarka warkaasi wax ka qoray warqaadka Daily Nation.

Dadka Kenyan-ka ah ee shacabka ah ayaa haddaba ka falceliyay warkan murugada leh ee kasoo yeeraya Muqdisho ee hoos ka eeg.

”Waxaan is waydiinayaa waxa ay ka heli doonaan ceelasha saliideed ee ay sida musuqa ah u iibiyeen? Keenyaanka ayaa dhaqse ugu noolaan doona xitaa Somalia, maxaa yeelay burburka baaxaddan leh wuxuu dalkaa ka dhigayaa mid maran. Lafteeydu waxaan qorshaynayaa in aan halkaa bugco dhul ah ka helo muddo 5 sano ah gudohood.” mid baa soo qoray.

”Halkii ay Al Shabaab shacabka ka bam garayn lahaayeen maxay sida Kenya mudaaharaadyo u qaban la’yihiin si isbeddel u dhoco. Muddo dheer bay dadka laynayaan isbeddelna ma dhicin” ayuu yiri mid kale.

Hadalsame Media