”Dagaal dhexmara Hindiya & Pakistan waa is miidaamin wadareed”

0

(Islamabad) 01 Maarso 2019 – Islamabad ayaa muujinaysa debecsanaan diblomaasiyadeed oo ku fooggan Hindiya iyadoo sheegtay inay fahamsan tahay in dagaal labada dal ee deriska ah dhexsada uu ka dhigan yahay is miidaamin wadareed, sida uu yiri Wasiir Dibadeed Pakistan.

Pakistani PM says Indian pilot to be released Friday as peace gesture
RW Pakistan oo sheegay inay Jimcahan sii daynayaan duuliyaha ay qabteen  

Shah Mehmood Qureshi ayay su’aal waydiisey weriyaha CNN ee Christiane Amanpour oo kala hadlaysey xiisadda kasii dareeysa ee Pakistan iyo India, kaddib weerrardii dhanka cirka ahaa ee ay bilowday New Delhi.

“Xaaladaha noocan oo kale ihi waa kuwa haddii ay kasii daraan keeni kara inay labada qaranba qar ka dhacaan. Ma sawiri kartaa dagaal dhex mara India iyo Pakistan?” ayay Amanpour waydiisey.

“Ma rajeeynayo. Taasi waxay noqonaysaa is miidaamin wadareed. Pakistan marna kama darin, Pakistan ma doonayso inay boos cadaawadeed istaagto,” ayuu yiri Qureshi.

Hadalsame Media