Askarigii Soomaaliga ahaa ee loo haystey dilka gabar Australian ah oo dacwo kale wajahaya

0

(Minneapolis) 01 Maarso 2019 – Askari Soomaali Maraykan ah oo ku eedeeysnaa inuu gurigeeda bannaankiisa ku toogtey haweenay Australian ah ayaa waxaa iminka kusoo baxaya eedo kale.

Muuqaallo ay duubtay kaamirada ku xiran Dashcam-ka ayaa muujinaysa askarigii hore ee magaalada Minneapolis, Mohamed Noor, 33 jir, oo qori ku fiiqaya nin darawal ah oo uu istaajiyay kaddib markii uu sameeyay khalad ah inuusan shidanin fareejada gooladaha, bishii Maajo 2017.

Noor ayaa haatan loo haystaa dhowr eedood oo kala ah dil kas ah oo darajada labaad ah, dil darajada 3-aad ah iyo dil kama’ ah oo isna darajada labaad ah.

Noor ayaa ku eedaysan dilka Justine Ruszczyk Damond, 40 jir, kaddib markii ay booliiska ugu yeertay weerar jinsi ah oo ka dhacayay guri iyada ka dambeeya bishii Luulyo 2017, iyadoo adeegsanaysa 911.

Ms Damond, oo asal ahaan reer Sydney ahayd, ayaa bannaanka usoo oroday si ay booliiska ula kulanto, goortaasoo uu rasaas ku furay Mr Noor, oo sida haatan la yiri ku eedaysan inuu lahaa taariikh muujinaysa inuu ”arrimaha kaga daro.”

Hadalsame Media