Ciidanka Minishiibiyada dowladda Hoose ee Muqdisho oo helay agab cusub + Sawirro

0

(Muqdisho) 19 Feb 2019 – Ciidanka Minishibiyada Gobolka Banaadir ayaa muddo kadib helay agab kaasoo la filayo inuu wax badan ku soo kordhiyo shaqadooda waxaana tallaabadaasi aad u soo dhoweeyay dowladda Hoose ee Xamar.

Agabkaan oo ah mid gaadiid ayaa sida la sheegay loogu talagalay Ciidamada Minishiibiyada ee qaabilsan cashuuraha waxaana si gaar ah gaadiidkna loogu talagalay in wax looga qabto ka hortaga dadka la baxsada canshuurta.

Marka laga hadlayo arrimaha canshuuraha gobolka Banaadir waxaa jirta in ganacsatada qaar kood aysanba bixin wax canshuur ah halka qaar ka mid ah gaadiidleyda, sida Bajaajleyda ay la dhuuntaan canshuurta.

Waxaad arkaysaa iyadoo qaar ka mid ah wadayaasha Moota bajaajta ay ka cararayaan ciidamada canshuuraha qaabilsan waxayna qaar kood kuu sheegayaan inaysan dhowr bilood wax canshuur ah bixin.

Gaadiidka cusub ee la siiyay ciidamada Minishiibiyada ayaa la filayaa in wax badan uu ka bedelo hanaanka canshuur qaadista Maamulka dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, car and outdoorC
Image may contain: car and outdoor
Hadalsame Media