AKHRI: Arrin soo noqnoqota oo ay tahay inay iska DIIDAAN shacabka Somaliland & Puntland

0

(Hadalsame) 19 Feb 2019 – Waxaa meel xasaasi ah mareeysa xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay go’aankii qar iska tuurka ahaa ee ay qaadatay Dowladda Kenya oo ay dad badani la yaabeen.

Marka aad si guud u eegto ra’yul caamka Kenya iyo shacabkooda waxay aad u hadal hayaan arrimo aan xiriirba la lahayn kiiska, sida ay inay martigeliyeen qaxooti fara badan oo Soomaali ah, taasoo ay la yaab tahay inay xitaa ku jirtey qodobbadii kasoo baxay Dowladda Kenya.

In ay Somalia bad dheer oo aysan wax ku qabsan leedahay, in ay ka qayb qaadanayaan wax ay ku sheegeen xasilinta Somalia, inay abaal badan ku leeyihiin Soomaalida oo ku nool Kenya, kuwaasoo ah arrimo aan gebi ahaanba u qiil samaynaynin inaad sheegato qayb ka mid ah dal kale.

Waxaa jirta arrin kale oo ay Kenya u aragto kaar ay ciyaari karto, waana inay Soomaalida qaybiso, adigoo weliba arkaya siyaasiyiin iyo shacab la bareeraya arrintaasi.

Arag warka uu soo qoray ninkan oo ah mid aad u neceb Soomaalida.

Midda ugu darani waa inay la macaamilayaan gobollada Somaliland (oo doonaysa inay Somalia ka go’do) iyo Puntland oo siyaasad ahaan ogol ka mid ahaanta DF Somalia, balse wadata siyaasado ay dad badani doodo ka keenaan danta ugu jirta shacabka, sida isku taagidda DF ama go’aanadeeda la khilaafo.

Beri dhowayd markii ay isku dheceen Imaaraadka iyo Somalia, waxay sidoo kale si cad u sheegeen inay sii wadayaan xiriirka gobolladaasi, tiiyoo ay jirto inaysan Somalia isku raacin arrintaasi.

Haddaba, iyadoo aan la eedaynaynin shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolladaasi oo ay ku jiraan dad badan oo aan arrintan ogolayn, isla markaana ay arrintani mid siyaasadeed oo kasoo fuleeysa horseedka siyaasadeed ee gobolladaasi waxaa la is waydiin karaa hal arrin:

MAXAY TAHAY DANTA GOBOLLADAAS UGU JIRA IN LOO ISTICMAALO BURBURINTA DANAHA SOMALIA OO AY KA MID YIHIIN?

Waa inay su’aashaa sare ay si wanaagsan uga baaraan degaan dadka faraha badan ee waxgaradka ah ee gobolladaasi ku dhaqan oo ay dadka go’aamada u gaara hor dhigaan inaysan sax ahayn in ay gobolladooda ka dhigaan duke cambaar leh, jeer ay dalalkii dibeddu ay Dowladda Somalia ku baqa maalaan waxaannu la xiriiraynaa gobolladaasi.

Taasoo la micne ah ”idinma wada rabo, balse waxaan haysannaa kuwo idinka mid ah oo nagu caawinaya lugooyadiinna!”, taasoo aan u cuntamin una qalmin shucuubta waddaniga ah ee gobolladaasi ku nool.


Waloow ay Soomaaliya xiisaddan ka istaagtey isku moowqif siyaasadeed markii ugu horreeysey tan iyo muddo dheer, ama ay ka aamuseen qaar badan oo arrimahan ka hadli jirey dhinacna qaadan jirey, misna waxaa muhim ah in cid kasta oo Soomaali ah (oo ay ku jiraan xitaa kuwa maanta ka baxsan xad beenaadka Somalia), in aannu isku khaanad ku jirno umad ahaan oo aysan jirin cid nakala jecel, marka laga soo tago in la isku kaaya jebiyo, oo aan deeto wada jabno.

Gobolladaas aannu xusnay iyo kuwa kale ee ka tirsan DF Somalia, waa in lagu dhaqaa siyaasad u dan ah dadka Soomaaliyeed oo ay dantu isku khasbeeyso (maya mid u danaynaysa dhowr siyaasi), haddii ay madaxdu taa diiddaan si ay dano gaar ah u gaaraanna, ma jiraan wax shacabka Soomaaliyeed ku khasbaya inay raacaan siyaasad dan seejinaysa iyaga isla markaana dhabar jebinaysa dalkooda una danaynaysa duul iyo dalal kale.

Qaybta tifaftirka: Hadalsame Media