Burundi oo MW Somalia ka codsatay inuu ka caawiyo sii joogista dalka (Imisa ayay Dowladda Burundi ka heshaa joogista Somalia?)

0

(Bujumbura) 19 Feb 2019 – Madaxwaynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa Midowga Afrika ugu baaqay inay shir deg deg ah iskugu yimaadaan dalalka ku qaaraama ciidamada nabad ilaalineed ee AMISOM, si buu yiri dib u eegis loogu sameeyo go’aan beri dhowayd lagu gaarey in Somalia laga saaro ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.

Warkan Madaxwaynaha ayaa imanaya jeer uu kulan ay albaabadu u xiran yihiin la qaatay dhiggiisa Somalia, Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo ay isku arkeen Madaxtooyada Bujumbura, halkaasoo uu Farmaajo ku joogo booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah oo uu ku wehlinayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Somalia ee SNA.

“Waxaa jira go’aan uu qaatay Golaha Amaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo aysan jeclaysan reer Burundi waana ognahay inaysan Somalia jeclaysan, waana sababta aannu u yeelannay kulankan degdegta ah, si go’aankaa looga baaraandego,” ayuu yiri madaxwayne Nkurunziza oo warfaafinta la hadlay.

Go’aankan ayaa soo baxay bishii Diseembar, kaasoo Burundi ku amrayay inay Somalia ka saaraan ilaa 1,000 askari marka la gaaro Febraayo 28, waana go’aan ay si cad u diidey dowladda Burundi.

Burundi oo ah dal sabool ah, ayay howlgalka AMISOM dal ahaan kasoo gashaa lacag adag, iyadoo dowladda dalkaasi ay $18 milyan oo doollar ay 3-dii biloodba ka qaadato Midowga Affika, taasoo loo siiyo magdhow ahaan.

Madaxwaynaha Somalia ayaa ciidamada Burundi, Uganda iyo kuwa SNA uga mahad celiyay dadaalka ay ka gaysteen xoraynta caasimadda Muqdisho.

Hadalsame Media