Yusuf Garaad, muxuu ka yiri go’aanka Kenya?

0

(London) 17 Feb 2019 – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Kenya ee ku aadan Soomaaliya isagoona muujiyay rajo ah in labada dal dhameyn karaan khilaafkooda iyadoo la isticmaalayo hannaan wanaagsan.

Aqriso qoraalka Wasiirkii hore

Danjire Macharia Kamau oo shalay u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur, in uu ku laabto Muqdisho, waa Danjirihii Kenya u fadhiyay xarunta Qarammada Midoobay ee New York markii aan anigu matalayay Soomaaliya.

Markii aan ku booqday Xafiiskiisa Xarunta Ergada Kenya ee Qarammada Midoobay wuxuu ii muujiyay saaxiibtinnimo, wuxuuna ii ballan qaaday in uu gacan igu siiyo howlaheyga.

Waxaa iigu dambeysay xafladdii New York ee xornimada Kenya ee 2016.

Sawirka waxaa ka muuqda Danjirayaashii Qarammada Midoobay xilligaas ku matalayay, ka billow Midig: Sweden, Soomaaliya, Ireland, Kenya iyo Mareykanka.

Waxaan ku kalsoon ahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad. Waxaan rajeynayaa in uu dhakhso u soo laabto xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.

Hadalsame Media