Kenya:- “Maynaan ceyrin Safiirka Soomaaliya.” Kenya oo war ka taba tuur ah ka soo saartay go’aankeedii lala yaabay!

0

Dowladda Kenya ayaa war cusub kasoo saartay go’aankii ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saakay Muqdisho soo gaaray.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Macharia Kamau, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in safiirkooda Muqdisho u joogay ay u yeereen balse aysan dalkooda kasoo ceyrin Denjirha Soomaaliya.

“Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan”, ayuu yiri Macharia Kamau.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxaana luuqada ay u adeegsatay go’aankeeda ku aadan Soomaaliya, ey Diblomaasiyiintu ku sheegeen inay tahay mid aan wanaagsanayn oo si fiican looga fiirsan, islamarkaana laga fekerin cawaaqibka ka dhalan kara.

Image may contain: 1 person
Hadalsame Media