”Adduunkoow nasoo dhex gala!” – Siyaasi caan ah oo Kenya u hadlay!

0

(Nairobi) 17 Feb 2019 – Siyaasiga Kenyan-ka ah ee Musalia Mudavadi ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah usoo farageliyaan si uusan uga sii darin wax uu ku sheegay ”muranka dhanka xuduudda” ee ka dhex oogan  Kenya iyo Somalia.

Muranka biyaha goboleed ee Badwaynta Hindiya oo ah wax ay Kenya gebi ahaanba hindistey ayay Kenya ka qaadatay tillaabo lala yaabay, kaddib markii ay sheegtay inay Somalia ”xaraashtay baloogyo saliid iyo gaas ah oo ay iyadu leedahay” ama ku yaalla ”meelo lagu muransan yahay”.

Kenya ayaa deeto dalkeeda ka cayrisey danjiraha Somalia Mohamoud Ahmed Nur Tarzan, iyadoo sidoo kale u yeeratey ergaygeedii ka joogey Somalia, Lt-Gen (Rtd) Lucas Tumbo.

Mr Nur ayaa durba maanta ka degey gegada caalamiga ah ee Aden Abdulle International Airport.

Yeelkeede, siyaasigan oo ah hoggaanka Amani National Congress iyo maamulaha isbahaysiga National Super Alliance (ANC), ayaa caalamka ugu baaqay inay dhex galaan labada dal.

“Tani ma aha arrin la sahlan karo, maxaa yeelay taariikh baa jirta. Marka dhanka wadaniyadda laga eego waa in arrintan loola macaamilaa si deg deg oo taxaddar leh … beesha caalamku waa inaysan arrintan sahashan,” ayuu yiri mar uu ku sugnaa House of Grace oo ku teedsan Lang’ata Road, Nairobi.

Warka siyaasiga waxaa ka muuqata ujeedka 1-aad ee Kenya oo doonaysa inay Somalia si xeer jajab ah ugala heshiiso oo wax uga hesho dhul ay Somalia u aragto mid ay iyadu leedahay.

Hadalsame Media