DAAWO: ”Hadda kaddib looma dulqaadan doono” – Somaliland oo hanjabaad u dirtay Xisbiga Waddani

0

(Hargaysa) 17 Feb 2019 – Wasiir Xigeenka Qorshaynta Somaliland, Injineer Xuseen Ibraahim Buuni ayaa hanjabaad u diray Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu sheegay inay soo bexeen wax uu ku tilmaamay ”warar naxli ah.”

Ninkan ayaa sheegay inuu qoonsaday eedo iyo dhaliilo dhanka Xisbigaasi maalmihii dambe uga imanayay maamulka Somaliland, oo haatan u muuqda mid aan ogolayn in la dhaliilo sax iyo khaladba.

Eedaymaha gaarka ah ee markan la sheegayo ayaa sida la yiri ku wajahnaa dhanka MW Muuse Biixi, kuwaasoo uu Wasiir Xigeenku sheegay inaan hadda kaddib loo dulqaadan doonin.

Ninka hadlay ayaa sheegay inay Waddani ku tunteen wax uu ku sheegay ”anshax iyo hab raac jira” balse si mucayin ah uma sheegin xeerka iyo qodobka ay jebiyeen.

Hadalsame Media