Inta la kufsaday oo la diley ayaa la saaray baalle koronto (Qofka sidaa yeelayna waa kii xilligaa ugu dhowaa)

0

(Rukanga) 17 Feb 2019 – Booliiska ismaamulka Kirinyaga County ee Kenya ayaa baaritaan ku wada maydka haweenay 22-jir ah oo la helay iyadoo ka lulanaysa baalle koronto tuulada Rukanga ee hoos tagta Mwea Constituency, Khamiistii.

Markii uu geerideeda xaqiijinayay, Mwea West OCPD-geeda, Joseph Matiku ayaa sheegay in gabadha oo lagu magacaabi jirey Damaris Njeri, la kufsaday deetana la diley oo laga soo lalmiyay baalle ah nooca qaada xarkaha korontada.

Mr. Matiku ayaa intaa raaciyay in sida ka muuqata baarista hordhaca ah gabadha lagu soo kufsaday oo lagu soo diley meel kale oo aan ahayn halka maydkeeda laga helay oo ah baallaha ay saarnayd.

Ilo ku dhow dhacdada ayaa Citizen Digital u sheegay in nin jacayl kala dhexeeyay gabadha dhimatay, haatan lagu tuhunsan yahay dilka, iyadoo la sheegay inuu todobaadkii hore wacay gabadha aabeheed oo uu u sheegay in iyada (Njeri) ay rag kale ku dul waddo oo ay khiyaanayso.

Hadalsame Media