Imisa qof ayaa lagu misaaley Piatek muxuuse ka yiri Maldini? + Sawirro

0

(Milano) 17 Feb 2019 – Maareeyaha AC Milan ee Paolo Maldini ayaa ka hadlay in Andriy Shevchenko la barbardhigo Krzysztof Piatek oo uu sheegay “inuu naadiga siinayo dhadhan adayg.”

Kooxda Rossoneri ayaa xalay xejisatey booska 4-aad iyadoo weliba sigeeysa kan 3-aad, kaddib ciyaartii ay 3-1 ugasoo adkaatay Atalanta, oo jab u wada gaysatey kooxihii waawaynaa marka Napoli laga reebo, waxaa laba gool markii 2-aad Milan u dhaliyay Piatek, halka Hakan Calhanoglu uu dhaliyay goolkiisii 1-aad ee Serie A sanadkan.

“Dad badan baa Piatek ku misaalaya Andriy Shevchenko, balse waxaa jira hal Sheva. Marka laga soo tago, in Sheva uu kusoo biiray koox sii dhisnayd oo xooggan oo u noqday cudur dheeraad ah.” ayuu Maldini u sheegay Sky Sport Italia.

“Piatek wuxuu samaynayaa waxyaabo aan caadi ahayn, wuxuuna kooxda kusoo biiray xilli ka adag (kii Sheva), balse haddii uu meel dheer na gaarsiiyo waan ku farxaynaa.” ayuu raaciyay.

Piatek iyo Lucas Paquetá waxaa la keenay Jannaayo waxayna Milan ugu keceen lacag ka badan €70m iyagoo kasoo kala iibiyay Genoa iyo Flamengo, taasoo ay debertey Elliott Management.

“Waxaan doonaynaa inaan kooxda siinno asaas adag oo ku dhisan laacibiin aad u da’yar, waa jid dheer balse kooxdu waxay dhegeysanaysaa macallinkeeda wax bayna ka barataa khaladkeeda. Waayo laacibiintani way yaraysanayeen awooddooda laakiin guulahan oo kale waxay dhisayaan niyaddooda.” ayuu daba dhigay Maldini.

Hadalsame Media