SIRTA SHEEKADA: Kenya oo hal ujeeddo ka leh tillaabada ay qaadday & Somalia oo ku baraarugsan

0

(Muqdisho) 17 Feb 2019 – Dowladda Kenya ayaa shalay si lama filaan ah mar qura usoo saartay bayaan sheegaya inay xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay danjireheedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya u joogey Kenya, taasoo oodda ka qaadday xiisad diblomaasiyeed oo aan lagu sii tashanaynin.

Kenya ayaa tillaabadeeda ugu qiil samaysatay wax ay ku sheegtay ”in ay Soomaaliya xaraashtay baloogyo shidaal oo ku yaalla dhul ay leedahay  Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau.

Yeelkeede, Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka dhexe, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay leedahay ujeedo ka weyn shirka London, balse ay dooneyso inay xalaaleysato dhul-badeedkii Soomaaliya ee horey u sheegatay.

“Arrintani wax shaqo ah kuma laha shirkii xaraashka shidaalka Soomaaliya ee London, balse waa xeelad ka hor-tag ah oo dowladda Soomaaliya loogu khasbayo inay wada xaajood xeer jajab ah ka furto muranka badda ama saameyn lagu sameeyo  kiiska oo haatan horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda” ayuu ku yiri qoraal uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Kenya ayaa iyadoo ka faa’iidaysanaysa xaaladda Somalia iyo siyaasiyiin hoowtal hamag ah, waxay 2009 Soomaaliya la galeen wax lagu sheegay heshiis is faham oo oodda ka qaaday arrintan, waloow ay si buuxda u diideen Baarlamankii KMG ah ee xilligaas.

Saraakiil sare oo ka tirsan DF Somalia oo aynaan magacaabaynin, ayaa waxay Hadalsame u sheegeen inay ku baraarugsan yihiin xeesha sharci iyo midda siyaasadeed ee ku hoos qarsoon tillaabadan ay qaadday Kenya.

Hadalsame Media