Maxaad ka taqaannaa hoggaamiyaha qura ee Muslim ah ee loogu magac daray magaalo dhan oo ku taalla Maraykanka? (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 17 Feb 2019 – Emir Abd Elkader (Amiir Cabdulqaadir) waxaa laga yaqaannaa dhamaanba dunida Galbeedka, wuxuu ahaa aqoonyahan Muslim ah, hoggaamiye iyo dagaalyahan, amaan ka kasbaday xitaa cadowgiisa.

Waqtigiisii (1807-1883) waxaa amaan u qiray rag ay ka mid ahaayeen; Abraham Lincoln, Pope-ka, Napoleon Bonaparte III, Victor Hugo iyo Lord Londonderry.

Sanaddii 1846-kii waxaa la dhacay rag ay ku jireen Timothy Davis, John Thompson iyo Chester Sage waxayna ugu magac dareen dhul ay markaa soo degeen, waana magaalada Elkader Town oo maanta hoos tagta degmada Clayton County, ee gobolka Iowa, USA.

Abd Elkader wuxuu dhadhay Sebtembar 6, 1808 isagoo ka dhashay qoys diimeed oo ku nool Mascara, Algeria.

Markii uu 22 jir ahaa, ayuu Faransiisku kusoo duuley oo qabsaday dalka Algeria. Dadka Aljeeriyaanka ah oo aan cudud ahaan u dhigmin ciidanka French-ga, ayaa si kastaba si adag ula dagaallamay.

Markii ay 2 sano dalkaa haysteen, Abdelkader waxaa loo doortay inuu hoggaamiyo dagaalkii iska caabinta ahaa ee la iskaga dhicinayay gumaysigii Faransiiska.

Taas oo ay ka dhasheen in si dhulka loogu celiyo iska caabinta adag ee Aljeeriyaan, ay Faransiisku dalkaa ka gaysteen meel ka dhacyo iyo dembiyo dagaal oo ay ku jireen xasuuqyo dhacay.

Tusaale ahaan, waxay jarjarayeen maxaabiista, qaar qoorta ayay ka gooynayeen kuwaasoo ay xaafadaha surayeen, degaanno dhan ayay gubayeen, waxay nolosha ku gubayeen ragga, haweenka iyo xitaa carruurta.

Sheekadan oo aad wax badan oo ku saabsan sida ay u kala bini’aadansan yihiin Muslimiintii ka dagaallamaysay Aljeeriya iyo Faransiiskii kusoo duuley qayb kale la soco…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media