DEG DEG: Kenya oo u yeeratey danjireheeda Somalia (Bayaan kasoo baxay & sababta)

0

(Nairobi) 16 Feb 2019 – Kenya ayaa u yeeratey danjireheedii Somalia Lt. Gen. Lucas Tumbo iyadoo dood ka qabta in saliid iyo gaas dhulkeeda ka tirsan lagu xaraashay dalka UK.

Sida uu sheegay PS Macharia Kamau oo u hadlay Wasaarad Dibadeedka Kenya, Somalia ‘si aan taxaddar lahayn’ bay iskaga indha saabtay heshiisyada iyo xeerarka caalamiyan loo aqbalsan yahay dhanka xuduudaha badda iyo sida kale khilaafyada diblomaasiyadeed ee jira, sida uu yiri.

“DF ee Somalia waxay muujisay inaysan weli kasbanin qaangaar siyaasadeed, marka la eego sida ay u shaqeeyaan dowladaha casriga ah ee sida caadiga ah u shaqaynaya,” ayuu yiri.

Danjiraha Kamau oo sii hadlaya ayaa tillaabada Somalia ku tilmaamay mid ‘musiibo ah oo laga shallaayo’, isagoo tixraacayay shirkii shidaalka ee London ka dhacay 7-diii Febraayo 2019.

Wuxuu kaloo sheegay inay Somalia iskaga tashatay wax uu ku sheegay caawinta siyaasadeed iyo midda diblomaasiyadeed ee Kenya, xilli aad u adag.

Kenya ayaa sidoo kale cayrisey danjirihii Kenya u fadhiyay Somalia oo aan weli arrintan ka jawaabin, lamana yaqaanno sida ay u wajihi doonto, iyadoo arrintan ay Kenya u cuskanayso tillaabadeedu ay tahay mid hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee Hague.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamo muran badan dhaliyay ka joogaan Somalia, kuwaasoo dhibaatooyin badan ku haya shacabka ku nool meelaha ay joogaan.


Hadalsame Media