DAAWO: Krzysztof Piątek oo Serie A ka sameeyay arrin aan u suuragelin xitaa CR7 + Sawirro

0

(Bergamo) 16 Feb 2019 – Krysztof Piatek ayaa waloow uu horay wacdaro uga soo dhigay kooxda Genoa, wuxuu halkiisii kasii amba qaaday markii uu Jannaayo kusoo biiray kooxda AC Milan.

Halkan hoose ka DAAWO….

rzysztof Piątek ayaa laba ka dhaliyay ciyaar iminka soo dhamaatay oo ay 3-1 kusoo garaaceen Atalanta oo kooxihii waawaynaa dhamaysay.

Qannaaskan Polish-ka ah oo aan weliba adeeg badan ka helin laacibinta Milan ayaa hadda sidan ku dhaliyay 25 gool 26 kulan, isagoo Milan 6 gool u dhaliyay 5 kulan oo uu xirnaa funaanadda Rossoneri oo uu weliba mid ka dheelay 18 daqiiqo oo qura.

Jannaayo 26, wuxuu kulan bilowgiisii Milan ka hor tegey Napoli, 18 daqiiqo oo qura oo uu bedeley Cutrone balse 3 maalmood kaddib muddo 25 daqiiqo gudohood ah wuxuu kaga dhaliyay labadii fursadood ee uu helay.

Marka la eego celceliska 6-da gool, wuxuu ku dhaliyay 317 daqiiqo, taasoo ka dhigan inuu gool dhalinayay 53 daqiiqo oo kasta, waana celcelis aan caadi ahayn oo aysan xitaa samaynin hujuumadii waawaynaa ee Milan soo maray kulamadoodii ugu horreeyay.

Wuxuu sidaa ku jebiyay rikoodhkii hore oo uu dhigay Gunnar Nordahl, kaasoo 50-meeyadii u dheeli jirey Milan oo 6 gool ku dhaliyay 419. Mario Balotelli oo ku xigey wuxuu ku dhaliyay 433 daqiiqo.

Laacibkii ugu dambeeyay ee goolal dhaliyay 3-diisii kulan ee ugu horreeyay ee uu safka hore ahaa dhanka Serie A wuxuu ahaa Mario Balotelli bishii Febraayo 2013.

Marka la eego guud ahaan celceliska sanadka oo dhan Piatek wuxuu 24 gool tartamada oo dhan ku dhaliyay 2091 daqiiqo, taasoo ka dhigan inuu gool dhalinayay 87 daqiiqo oo kasta.

Bal aan eegno Cristiano Ronaldo, wuxuu leeyahay 21 gool tartamada oo dhan, 2656 daqiiqo, waana gool 126 daqiiqo kasta, waloow Piatek aanu weli wax badan u sheegi karin qaataha Ballon D’or balse jidka uu ku joogaa waa midkii saxda ahaa.

Hadalsame Media