Wanda Nara & Carrruurteeda oo halis la geliyay loona dhaartay!

0

(Milano) 16 Feb 2019 – Xaaska Mauro Icardi iyo wakiilkiisa, Wanda Nara, ayaa waxay wajahaysaa farriimo kala duwan oo hanjabaado ah iyo sidoo kale dhagxaan lagu tuuryeeyay gaarideeda, xilli ay weliba carruurteeda ku waddey.

Xiisadda ku xeeran kabtankii hore ee Icardi ayaa qaraxdey maalmihii yaraa ee ugu dambeeyay, oo ay dhacday in xitaa laga xayuubiyo kabtannimadii kooxda, taasoo ay inta badan wax ku leedahay kelmad ay tiri xaaskiisa Wanda oo TV-ga ka sheegtay inay wada xaajood ugu jirto qandraas cusub.

Maanta, waxaa la dhagxiyay jeer ay ilmeheeda gaari ku waddey meel aan ka fogayn San Siro, carruurteeda ayaa gaariga la saarnaa balse waxba ma gaarin nasiib wanaag.

Sida lagu baahiyay Sport Mediaset, Wanda ayaa booliiska u sheegtay inay hanjabaad wajahayaan iyada Icardi iyo cid kasta oo ku dhow, kuwaasoo u imanaya farriin ahaan.

Si kastaba, hujuumka kabtannimada laga qaaday ayaan loo badinayn inuu berri ka qayb qaato ciyaarta Serie A la ciyaarayaan Sampdoria, isagoo dhaawac ku maqan.

Hadalsame Media