WAAQIC WAREERSAN: Haddii aan shalay ka dirirnay in gumaysi na QAYBIYAY maxaan maanta ugu diriraynaa inaan anagu is QAYBINNO?

0

(Hadalsame) 15 Feb 2019 – 1884 tii markii Gumeysigii reer Yurub ay shirkii Barlin yiraahdeen Soomaalida haloo qeybiyo 5 qeybood, dadka Soomaaliyeed aad bey uga xumaadaan, sidoo kale markii ay ka xoroobeyn gumeystihii Reer Yurub waxeey Soomaalidu maalintaas u aqoonsatay Maalin laga galay dambi weyn oo loo geystay dulmigii ugu weynaa ee ebed soomara dadka Soomaaliyeed, taariikhdaasna waxey ku qoreen baal madow.

Balse, maanta Soomaaliya yaa kala qeybinaya? Jawaabtu waa Iyadaa iskala qeybineysa.
Marka waxeenu ma la jiifiyaana banaan baa?

Wixii dabayaaqadii qarnigii 19-aad Umada Soomaaliyeed dambi ku ahaa Maantana waa ka dambi,!! Mise waxaan niraahnaa mar labaad buu Gumeystihii noo soo dhuuntay oo howshii qarnigii 19-aad qabyada ka noqotay ayuu qarnigan 21-aad ka hirgaliyay Soomaaliya.

HAA …TAN AYAA XAQIIQ AH.

Tan kale haddii aan taariikhdaas mugdiga ah aan iska indhatirno waxaan shaki ku jirin “sidii ay dabayaaqadii Qarnigii 19-aad reer Yurub Soomaaliya u qeybiyeen ayaa ka wanaagsaneyd oo ka cadaaladsaneyd sida ay maanta Soomaalidu Soomaaliya u kala qeybineyso.”……SAX Ma cid diidan baa jirta?

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHAKAAYINA.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media