DAAWO: Ruushka oo samaystay hub ”indha tiraya” askarta cadowga (Dhibaatooyin kale oo uu u gaysanayo)

0

(Moscow) 14 Feb 2019 – Ruushka ayaa sheegay inuu maraakiibtiisa dagaalka ku xirey hub nooc cusub ah oo keenaya inay askarta cadowgu si KMG u indha beelaan, isla markaana ay arkaan ama maqlaan wax aan jirin ama ay matag ku waashaan.

Laba markab oo uu Ruushku leeyahay ayaa lagu xirey hubkan cusub ee halsta ah, kaasoo la yiraahdo 5P-42 Filin (eagle-owl), iyadoo ay shirkaddii samaysay u sheegtay RIA Novosti, in hubkan loo naqshadeeyay inuu cadowga indha tiro.

US Navy hoping for hypersonic missiles ‘by 2025’ as Putin WATCHES Russia's Avangard glider fly
Maraykanka oo doonaya inuu diyaarsado gantaalaha guuxooda ka dheereeya 2025, dhankan Ruushka ayaa uga horreeya

Wuxuu hubkani abuurayaa wax u qaab eg walacda hillaaca oo jahawareerinaya aragga indhaha, taasoo askariga ku adkaynaysa inuu bartilmaameedka si saaxi ah u shiisho, sida ay sheegtay Ruselectronics oo hubkan farsamaysay.

Intii tijaabada lagu jirey, waxaa mutadawiciinta loo qaybiyay qoryo ay ku jiraan kuwa darandoorriga u dhaca, iyagoo loo sheegay inay toogtaan bartilmaameed 2 KM u jira oo uu qalabkaasi ilaalinayo, ha yeeshee, midkoodna wuxuu awoodi waayay inuu toogto, waayo “waxaysan arki karin bartilmaameedka dhan.”

Hadalsame Media