DARAASAD: Yaa BULSHAAWISAN doobabka & lamaanaha?! (Dhegeyso)

0

(Quddus) 14 Feb 2019 – Maanta oo meelo badan oo dunida ah laga xusayo Maalinta Jacaylka, waxaa dunida oo idil ku sii kordhaya dadka iskaabulada ah ee kali nool.

Halkan ka dhegeyso…

Daraasad cusub oo iminka soo baxday ayaa tibaaxaysa in iskaabulannimadu aysan ka dhignayn inuu qofku ka go’doonsan yahay bulshada, balse taa biddaalkeeda ay iskaabuladu dhanka xiriirka bulshada uga fara dhuudhuuban yihiin dadka lammaaneyaasha ah, sida ay warbixintan ku eegayso Anna Ellström oo ka howlgasha laanta P1.

Kororka iskaabullada caalamka ayaa la sheegay in ay tahay arrin xitaa laga dareemayo dalal iyo qaarado aan soo jireen ahaan markii hore looga baran dad badan oo keli nool, sida Bariga Dhexe iyo Koonfurta Ameerika. Daraasaddan iminka soo baxday ayaa ogaatey in iskaabulanimadu ay dad badan u tahay dookh ay iyagu ku qanacsan yihiin, isla markaana ay bulsho ahaan ka xiriirro badan yihiin dadka is qaba ee ku jira nolosha guur.

Professor Elyakim Kislev oo ka tirsan Jaamacadda Cibraaniga ee Qudus ee Hebrew University of Jerusalem ayaa rumaysan in iskaabulannimadan sii badanaysa ay ugu wacan tahay noloshii bulshada oo la shakhsiyeeyay, tusaale ahaan, waxaa booskii iyo doorkii qoyska galay shabakadda xiriir ee uu qofku la leeyahay bulshada oo iminka loo arko taageerada bulsho ee ugu muhiimsan.

Daraasaddan uu sameeyay, wuxuu professor-ku falanqayn ku sameeyay in ka badan 300,000 oo ku kala nool 31 dal oo daafaha caalamka ah, isagoo tirakoob u eegay si qoto dheer isla markaana sameeyay 150 waraysi oo uu gunta u dhaadhacayo.

Waxaa daraasadda ka muuqata, in tusaale ahaan, nimanka iskaabulada ah ee Japan ay 30% arrintooda ka war qabaan oo  ay go’aankaa u qaateen si ku talo gal ah, waxaa sidoo kale daraasadda kasoo baxday in dadka aan abid reer dhiqin ay ka bulshaawisan yihiin dadka xaasaska ah in ka badan 45%.

Sida ku xusan daraasadda Kislev, wuxuu leeyahay waa in aan ka walaacnaa dadka xaasaska ah marka ay timaaddo kalinnimada iyo bulshada oo laga go’doomo, marka la barbar dhigo dadka iskaabulada ah ee dunida kusii kordhaya oo haysta nolol bulsho oo ka hodonsan midda xaaslayda.

Waxay kale oo daraasaddu sheegaysaa in iskaabulada loo arko hanti dheeraad ah, waayo waxay cilmi baaristani muujinaysaa inay badanaa dhacdo inay kaalmeeyaan dadka xaasaska ah oo ay xitaa ka caawiyaan haynta carruurta, gaar ahaan marka uu qofku tahli waayo inuu howsha isku wada qabto, waxan oo dhanna waxaa qayb ahaan ugu wacan inay ka firaaqo badan yihiin xaasaska.

Hadalsame Media