DP World oo u muuqata mid Somaliland uga baxday ballan muhim ah

0

(Berbera) 15 Feb 2019 – Shirkadda DP World ayaa sheegtay in ay kordhinayso lacagaha ay ka qaaddo alaabaha kasoo dega dekedda Berbera in ka badan 40% bisha soo socota (Maarso02.2019).

DP World waxay sheegtay haddii aan la kordhin lacagaha laga qaado alaabaha kasoo degaya dekedda in ay saamayn doonto maalgelintii ay ku sameyn lahayd dekedda Berbera.

Haddaba, dad badan ayaa is waydiinaya in maalgelintii ay sheegtay DP World in ay ku samayn doonto Dekedda Berbera ma waxay ahayd lacagteeda (Berbera) mise lacag iyadu (DP World) ay leedahay?

Hadalsame Media