RASMI: Hadda kaddib waad diidi kartaa guruubyada Whatsup ee la iskaga kaa darayo!

0

(Menlo Park) 15 Feb 2019 – Sida uu la socdo qof kasta oo Whatsapp lihi, waxay ogyihiin waxyaabo ay ka mid yihiin in la yagleeli karo in aad koox la sheekaysato, aad guruub adigu iskaa u samayn karto, ama aad dad kale ku casuumi karto.

Taasi waa habka soo jireenka ahaa ee ay howshu u socon jirtey, balse waxaa kale oo jira dad kale oo inta guruub sameeyaan iyaguna iskaga kaa dari kara adigoo aan aqbalin ama ogolaanin.

Kaaga darane waxaa jira kuwo reera dhib ah oo mar kasta oo aad guruubkaa ka baxdo misna kugu soo celinaya, balse iminka arrintaasi way is bedeli doontaa.

‘Muuqaalka martiqaadka ”Group Invitation’ feature”

Markan waxaa Whatsup lagusoo kordhiyay muuqaal aad adigu kala dooranayso Qof kasta, Saaxiibadaa iyo Qofna.

Qof kasta (Everyone): Haddaad kaa gaysato waa sidii hore oo adigoo aan codsan baa lagugu soo dari karaa.

Saaxibaday (My Contacts): Waxaa kugu soo dari kara kaliya inta kuu safe garaysan.

Qofna (Nobody): Haddii aad midkan gaysato ogolaansho ayaa lagaaga baahan yahay markasta oo group cusub lagugu darayo, waxaana laguu soo dirayaa codsi dhacaya 72 saacadood kaddib.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media