DHEGEYSO: Sweden oo isha ku haysa arrin saamayn karta Soomaalida

0

(Stockholm) 15 Feb 2019 – Dalka Sweden, mas’uuliyadda la xiriirta inay tillaabo qaadaan haddii ay carruurtu halis ugu jiraan waxa loo yaqaanno gacan ka hadalka sharaf-dhowrka iyo guurka khasabka ah. Waa mid saaran maamullada dowladaha hoose, balse waxaa iminka soo baxday in degmooyinku aysan wax qorshe ah u haynin ama aysanba ka warqabin waxa ku dhacaya carruurta dalka ka maqan, sida ku cad sahan ay Ekot samaysay.

Halkan hoose ka dhegeyso…

In carruurta dalalkoodii loo kaxeeyo si loogu barbaariyo dhaqamadooda ama loogu soo guuriyo waa wax mudaba lala socdey, balse waxaan la haynin tirakoobkooda iyo wixii ay muteen toona.

Layla ayaa laga safriyay Sweden iyada oo aan raali ka ahyn, islamarkaana muddo toddoba sannadood ah guri lagu xabisay dalka Ciraaq.

Hayadaha dawladda ayaa qeylo dhaan la gaarsiiyey, balse awoodi waayay iney wax ka qabtaan.

– Waxaan hubay in aanay Sweden sidaa igu tegi doonin. Waxaan is lahaa way kuu iman doonaan, balse marna sidaasi may noqon, sida ay sheegtay.

Su’aalo ay Ekot hor dhigtaymaamullada degmooyinka ee dalka oo ay ka jawaabeen 209 degmo oo ka mid ah 290-ka degmo ee la su’aaley, waxaa lagu xaqiijiyay in 31 kiis oo carruur ah dibedda loo qafaalay. Waxaa kale oo soo baxday in 13% qura oo ka mid ah degmooyinku ay tirakoob ka sameeyeen carruurta maqan, halka 3 meelood oo meel qura ay wax qorshe ihi arrintan uga degsan yihiin.

Mikael Thörn waa baare sare oo ka tirsan Waaxda Cadaaladda, qaybteeda ka mas’uulka ah la socodka dhibaatooyinka sharaf-dhowrka ah ee ay haweenku la kulmaan, sharaf-dhowrku waa marka hayb ahaan qof loogu guurinayo ama loogu diidayo.

– Haddii aanad lahayn tirakoob ku tala gal ah ama ka daba tag, ma taqaanid howlaha degmada ka maqan, tusaale ahaan, howlaha adeegyada bulshada iyo iskuullada, ayuu yiri Mikael Thörn.

Arrintaa ogaal la’aanta ah ayay ku sugan yihiin oo ay dhibaato kasoo gaartaa carruur badan oo gabdho u badan.

Azam Qarai waa howl diyaariye ka tirsan Linnamottagningen, oo ah hay’ad caawisa carruurta u ban baxda dhibaatooyinka gacan ka hadalka ah ee sharaf-dhowrka la xiriira, waxayna rumaysan tahay in ay wax badani mugdi ku jiraan oo ay dadka ka daahan yihiin.

– Marka uu go’o xiriirka cunuggu, deeto wax tirakoob oo lagu daraa ma jiro. Tan ugu darani waa inay xitaa jiraan kuwo la diley oo aysan kamuunnadu wax war ah ka haynin, tiradan aad sheegaysana way i cabsi gelinaysaa, ayay tiri Qarai.

Katarina Idegård oo xiriiriye ka ahayd qaybta Göteborg ugu qaybsan la dagaallanka waxyeellooyinka sharaf-dhowrka ku salaysan, isla markaana ay shaqadeeda ka mid tahay ka warqabka haddii ay isla arrintaasi ka dhex dhacdo shaqaalaha dowladda hoose ee Göteborg ayaa sheegtay inay soo ban bixisay kiisas badan.

– Waxaan helnay ishaarooyin muujinaya in marka uu qofku qabanayo shaqo sare, uu arkayo ama la kulmayo in badan oo ah gacan ka hadalka sharaf-dhowrka la xiriira, ayay tiri Katarina Idegård.

Su’aalaha oo ay Ekot e-mail ahaan ugu dirtay dhamaan maamullada degmooyinka ee Sweden oo gaaraya 290 degmo, bilihii Oktoobar iyo Nofeembar oo ay ka jawaabeen 209 ka mid ah, 88 ka mid ah ayaa sheegay inay heleen farriimo ku aaddan carruur dalka laga saaray iyagoo aan ogolayn. 31 ka mid ah waxaa dalka laga saaray sanadkii tegey ee 2018, 69 degmo waxay sheegeen inay arrintan qorshe iyo hab-raac degsan ka leeyihiin, halka 140 degmo ay qirteen inaysan haba yaraatee arrintan wax qorshe ah ka lahayn.

Hadalsame Media