Dil nuuciisu uu NAADIR yahay oo ka dhacay Muqdisho!

0

(Muqdisho) 16 Feb 2019 – Sida ay sheegayaan qaar ka ka mid ah ehelka Marxuumad Fardowsa Abuukar Maxamed oo ahayd gabar dhalinyaro ah waxaa gabadhooda xabad si ku talagal ah ugu dhuftay wiil dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad.

Dhacdadaan oo aad loo hadal hayo ayaa shalay galinkii dambe ka dhacday degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Juungal.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inaysan illaa hadda ku guuleysan in gacanta lagu soo dhigo dambiilaha oo dadka xaafadda ay magaciisa ku sheegeen Bulxad.  Gacan ku dhiiglaha oo illaa hadda aan la ogeyn cida hubka u soo dhiibtay iyo meesha uu ka tirsanaa ayaa baxsaday.

Fardowsa Abuukar Maxamed oo ah gabadha dhimatay ayaa ninkaasi dhalinyarada ah ee toogtay la muran tahay waxayna ka celinaysay carruur yar oo banooni ku ciyaareysay barxad aan gurigooda ka fogeyn.

Kadib murankooda ayuu wiilka dhalinyarada ah bastoolad iska soo jaray wuxuuna hal xabbo afka ka galiyay Fardowsa Abuukar Maxamed halkaas oo ay islamarkiiba ku geeriyootay. Lama oga sababta ninka hubeysani u banadayay carruurta ciyaareysay kubbada.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta wax ka dhaceen ayaa inkastoo ay baaritaano sameeyeen illaa hadda aan la sheegin cid ay kiiskaan u soo qabteen.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid walaac iyo fajac ku riday dadka deegaanka oo aad uga xumaaday dilkaan foosha xun ee micno darrada ah.

Hadalsame Media