”Ma aha qof dan kaa leh!” – Wakiilkii hore & Icardi walaashiis oo Wanda Nara ku eedeeyay wareerka haysta!!

0

(Milano) 14 Feb 2019 – Wakiilkii hore ee Mauro Icardi ayaa ku doodaya in ay kasii dari doonto xaaladda laacibkaasi oo ay weliba ‘tan soo socotaa kasii daran tahay.’

Icardi ayaa shalay laga xayuubiyay kabtannimada kooxda Inter, isagoo deeto diidey inuu kooxda ula safro ciyaarta ay EL ku wajahayso Rapid Vienna, kaddib dhul gariirkaas maamul ee xerada Inter waxaa hadlay wakiilkiisii hore ee Ablan Moreno oo wiilkan wakiil u ahaa tan 13 jirkiisii.

“Mauro wuu is beddeley, sida uu wax u arko ama uga fikirana waa is bedeshey in badan, inay tani dhacaysana waa muuqatey, marka aad xaaladda qiimaysana tan soo socota ayaaba kasii xun,” ayuu u sheegay Calciomercato.com oo sheegay in uu ku abaal ka dhacay markii uu xaaskiisa ku bedeley oo uu eedda u tirinayo.

Mauro Icardi walaashii ayaa iyaduna Wanda Nara inay sabab u tahay isku dhaca laacibka iyo Inter. “Haddii uu jiro qof daacad ah oo dan kaa leh tani kuguma dhacdeen…” ayay tiri.

“Miskiin walaalkay, bal maxaad waxan oo idil u ogolaatay. Inter ma ogola hab dhaqankan?” ayay kusoo qoray Twitter.

Wanda Nara ayaa ah xaaska saaxiibkii ay kala dhinteen ee Max Lopez kaddib markii uu u gacan dhaafay oo uu deeto guursadey, iyadoo lagu xanto inay kaliya lacag doon tahay, isna ay madaxa ka qabsatay.


Hadalsame Media