DIBIGUNA MA SACUUDIGA AYUU KA YIMID?!! (Sheeko maad badan)

0
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

(Hadalsame) 14 Feb 2019 – Dahabo dheer, maanta waxay u muuqaal egtahay qof aroos cusub galaya. Dharkeeda kii ugu bilnaa ayey soo xiratay kol haddii Odeygeedii Xaaji Macoow, uu maanta dalka dib ugu soo laabtay markii uu dhowr sano ku maqnaa dalka Sacuudiga oo uu ka shaqeysanayey.

Casar dheer ayey Gurigii ka shaqeysay oo shidatay Uunsi ay dariskeedu sanka la raaceen. waxay isku diyaarineysaa Sheeko aysan muddo dheer la wadaagin Duqeeda. layskamase war hayee Xaajigu wuxuu in muddo ah ba la welwelayey Cillad uusan garan sababteeda.

Habeenkii Dahabo dheer ma helin sheekadii ay Odeygeeda ka filaneysay, asaguna sidii nin daallan oo kale ayuu durba is duuduubay.

Waagi markii uu baryey ayaa la isla quraacday iyadoon qofna eed sheeganayn. habeenkii xigay ayaa haddana sidii oo kale reerku sheeko la’aan ahaa. Dahabo dheer, kuma dhiirran karto inay xaajiga xaalkiisa ka wareysato oo waa ay yara xishooneysaa.

Reer Xaaji macow, dhowr Neef oo Lo’ ah ayaa u xiran, waa Dhowr Sac oo Irmaan iyo Horwayn ba isugu jira. Caanaha laga liso dariska ayaa Rukun ka ah oo ka iibsada.

Sac ay Lo’da ugu jecelyihiin Caano badnina lagu ogyahay ayaa Galabta orgoonaya, xeradana Dibi kuma jiro. sidaas darteed ayey isla garteen inay reer dariskooda ah kasoo ergistaan Dibi weyn oo u jooga. dibigi ayaa xerada lasoo galiyey. Dahabo oo Xanjaf yar sidata ayaa marba Dibiga dhan u qumineysa bal haddii uu damcayo Saca barriire ah. dan iyo heello kama laha oo Lo’diisa ayuu ka mid noqday.

Xaaji Macow, iridda Moorada ayuu taaganyahay isagoo gacmaha simaha ku heysta. Dahabo dheer, aragtay inuusan Dibigu xilligan dooneyn inuu
Saca boodo.

Iyadoo niyadda ka haaraameysa ayey Ushii yareyd ee ay sidatay Lo’da ku dhex tuurtay, una dhaqaaqday dhankii Xaajiga. intay hoos ka gunuunucday ayey hadal uu maqli karo ku hubsatay dhegaha Xaaji Macoow. ” Cawdu billaahi, Dibiguna ma Sacuudiguu ka yimid” ayey tiri. Xaaji macow, tallaa ku caddaatay, muxuu yeelaa sow inuu yiraahdo maaha ‘Waa samaad Allaha noo beriyo” si uu dhaqtar u aado’?.

Waxaa qoray: Qaasim Nero

Hadalsame Media