DHEGEYSO: Baraf wata dabaylo & roob mahiigaan ah oo laga digayo!

0

(Stockholm) 14 Feb 2019 – Hayadda Saadaasha Hawada Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI ayaa soo saartay digniin heerka 2-aad oo ku saabsan dabaylo kasoo babanaya jihada gobolka waqooyi ee Lapland.

Dabayshan oo ah mid xooggan oo uu wehliyo baraf dhac daran ayaa si toos u adkayn karta in buuraha la dhex joogo ama la tago, sida ay ka digeeyso SMHI.

Fiidkii ama qaybaha kale ee caawa, waxay awoodda xawaaraha dabaylahani ku socdaan ey gaari kari doonaan 30 mitir/ ilbiriqsigiiba, waxaana xitaa wehlin kara baraf uu roob ku laran yahay. Waxaa sharraxaysa Moa Hallberg oo ah saadaaliye ka tiran SMHI.

– Waxaa adkaan doonta in wax loo jeedo, marka aragtidu waxay noqonaysaa wax aan mabda’iyan jirin, waxaana barafka wehlinaya roob dabaylo xooggan wata, taasoo kordhinaysa halista baraf buuraha kasoo dhaca marka kuma taliyeen in buuraha la tago, ayay tiri Moa Hallberg, oo ah saadaaliye ka howlgasha SMHI.

SMHI ayaa saadinaysa in ay cimiladu kasii dari karto gelinka dambe ee maanta dhanka buuraha Lapland iyadoo ay duufaani dhici karto caawa, balse dabaysha ayaa karaar jebi karta wixii loo gaaro subixii, berri oo Jimce ah.

Xitaa buuraha Åre oo ka tirsan gobolka Jämtland oo lagu qabanayo Koobka Adduunka ee Ciyaar bafarka Ulaha ee Alpina World Championship waxaa laga filanayaa inuu jawigu xumaado gelinka dambe, yeelkeede, agaasinka tartanka ayaa maanta oo Khamiis ah bayaaniyay in aysan filaynin in ay arrintaasi saamayn ku yeelato habsami socodka tartankan caalamiga ah ee buuraha lagu dheelo.

Eric Asmussen i lössnön i Qooqqut Grönland.

Xigasho: Radio Sweden

Hadalsame Media