Turkiga oo dhistay isbitaalka ugu wayn qaaradda Yurub oo idil + Sawirro

0

(Ankara) 14 Feb 2019 – Isbitaalka Ankara City Hospital, ayaa noqday hay’addii ugu dambaysay ee kusoo korodha hannaanka caafimaad ee Turkiga oo la casriyaynayo. Isbitaalkan oo ah midka ugu wayn guud ahaan qaaradda Yurub, kaligiina xaafad ah, ayaa bixinaya adeegyo tiro badan oo aan laga heli karin isbitaallada kale.

Sida uu sheegay, Wasiirka Caafimaadka, Fahrettin Koca, ayaa sheegay in isbitaalkan oo lagu wado inuu si rasmi ah xarigga uga jaro madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan uu leeyahay dhamaanba takhasusaaska caafimaadka, isagoo durba shaqa bilaabay.

Isbitaalkan oo laga dhisay meel ka baxsan caasimadda, ayaa ku qalabaysan agabka ugu casrisan dunida caafimaadka ayaa ka kooban 3,623 oo sariirood, iyadoo ay ka shaqeeyaan ku dhowaad 12,000 oo qof, kuwaasoo kala ah dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal, umulisooyin, farsama yaqaanno iwm.

Turkiga ayaa doonaya inuu hufo hannaankiisa caafimaadka isagoo badinaya qaadka isbitaallada iyo dhakhaatiirta leh takhasusaadka kala geddisan si ay dadka u siiyaan adeeg caafimaad oo tayo iyo tiro leh.

Hadalsame Media