DHEGEYSO: Muqdisho oo yeelatay booliis aan balwad lahayn

0

(Muqdisho) 14 Feb 2019 – Magaalada Muqdisho waxa laga diyaariyay illaa iyo 4 kun oo ciidamo booliis ah, oo si gaar ugu xil saarnaan doona inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho, caasimadda Somalia.

Ciidamadan oo dhawaan tababar loo soo xirey ayaa laga soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo ay tababarradu u socdeen muddo 4 bilood ah.

Ciidankan ayaa si gaar ah loosoo xulay, sida inaysan balwad lahayn ama aysan isticmaalin mukhaadaraadka, taasoo wax ka bedeli karta hab-dhaqankooda.

Wariyaha VOA ee Muqdisho Seynab Abuukar ayaa warbixintan ka samaysay.

Hadalsame Media